Waxaa lagu soo warramayaa in hanti aan qiimaheedu weli la cayimin ay ku burburtay dab xooggan oo ka kacay goob ganacsi oo ku taalla waddada Jogoo ee magaalada Nairobi.
Xarunta ganacsi ee uu dabka ka kacay ayaa ku taalla xaafadda Xamza estate ee deegaanka Makadara.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dabka uu qabsaday goob lagu iibiyo alaabta guryaha la dhigto.
Dhacdadan oo la soo tabiyay aroornimadi hore ee saaka ayaa hakad galisay gaadiidka adeegsanayay waddada mashquulka badan ee Jogoo road.
Waaxda dab damiska ee hoos imaada maamulka loo xilsaaray qaar ka mid ah adeegyada caasimadda dalka ee NMS oo goobta gaaray ayaa ku guuleystay inay dabka damiyaan.
Waxaa ilaa iyo hadda caddeyn waxa sababay dabka.