Faahfaahin:Ugu yaraan 4 qof oo ku dhintay qarax miino oo ka dhacay deegaan ka tirsan ismaamulka Garissa

0
610

Ugu yaraan afar qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qarax ka dhacay gelinkii dambe ee shalay inta u dhexeysa deegaannada hoose ee bariga Bura iyo Galmagala oo kawada tirsan deegaanka Fafi ee ismaamulka Garissa.
Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ee loo yaqaano IED ayaa lala eegtay gaari nooca raaxada ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in baaburka uu kasoo ambabaxay magaalada Masalani kuna sii jeeday deegaanka hoose ee Haluuqo oo dhammaantood kawada tirsan deegaanka Ijara ee ismaamulka Garissa.
Afarta qof ee geeriyootay ayaa qayb ka ahaa 6 ruux oo baaburka saarnaa, iyadoo darawalkii gaariga waday iyo shakhsi kale ay dhawaacyo culus soo gaareen.
Dadka qaraxa ku dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa sarkaakiil la shaqeynayay waaxda biyaha ee deegaanka hoose ee Haluuqo, kuwaas oo doonayay inay kormeeraan goob biyo ah oo ku taalla deegaanka hoose ee Muftu.
Ma cadda cidda ka dambeysay qaraxan, balse waxaa la tuhunsan yahay inay ka dambeeyaan dablay hubeysan oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii iskuduwaha cusub ee dowladda dhexe ku matalo gobolka waqooyi bari James Kianda uu ugu baaqay bulshada gobolka in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si looga hortaggo kooxaha amniga lidiga ku ah.
Sidoo kale madaxda laga soo doortay ismaamulka Gaarisa ayaa ku boorriyay dadka deegaanka in ay feejignaan dheeri ah muujiyaan oo ay ku soo wargeliyaan saraakiisaha ammaanka cid kasta oo ay ka shakiyaan.
Dhacdadan ayaa kusoo aadeyso iyadoo toddobaad ka hor ee weerarro qarax ka kala dhaceen ismaamullada Mandera iyo Wajeer.
Waxaana muddo labo toddobaad gudahood qaraxyada ka dhacay gobolka waqooyi bari ee Kenya ku nafwaayay 18 qof.