Waxaa maanta la xusaya sanadguuradii 38-aad ee ka soo wareegatay xasuuqii Wagalla ee ismaamulka Wajeer ee sanadkii 1984-tii.
Dhacdadan ayaa ah midda ugu waawayn ee ay xusuustaan shacabka waqooyi bari.
Xasuuqan ayaa dhacay wakhtigii xukunka wadanka hayay madaxweynihii labaad ee Kenya Daniel Arab Moi.
Waxaa ilaa iyo hadda sharciga loo horkeenin dadkii ka dambeeyay falkaasi oo kooxaha xuquuqda aadanaha ku tilmaameen inuu ahaa mid bani’aadanimada ka baxsan.
Waxaa sidoo kale sanado ka dib ilaa iyo hadda ay dowladda Kenya aynan hirgeilin warbixin uu soo saaray guddiga caddaaladda iyo dib u heshiisiinta ee (TJRC), kuwaas oo ku taliyay in magdhow la siiyo ehellada dadkii la xasuuqay.
Ugu yaraan 3000 oo qof rag u badnaa ayaa la sheegay in xasuuqaasi lagu dilay ka dib markii ciidamada ammaanka rasaas ku fureen dhibanayaasha oo isku dayay inay naftooda la baxsadaan kuwaas oo goob lagu go’adoomiyay.
Madaxweynihii hore ee dalka Daniel Moi, oo geeriyooday 4-tii bishii labaad ee sanadkii 2020-kii, ayaa ka mid ahaa dhowr qof oo si wayn loogu eedeeyay dhacdadan.
Waxaa sidoo kale dhacdadan lagu eedeeyay inuu qayb ka ahaa Bethuel Kiplagat oo iska casilay xilka guddoomiyaha guddiga caddaaladda iyo dib u heshiisiinta ee TJRC sanadkii 2010-kii, ka dib markii lagu sameeyey baaritaanno ku lug leh eedeymo la xiriira tacaddiyo xuquuqda aadanaha ah, gaar ahaan kaalin inuu ku lahaa xasuuqii Wagalla ee 1984-tii.
Bishii Afaraad ee sanadkii 2012-kii , Kiplagat ayaa dib loogu soo celiyay xilka guddoomiyaha TJRC, ka dib markii Eugene Wamalwa oo xilligaasi ahaa wasiirka wasaaradda cadaaladda ee xukumaddii madaxweynihii hore ee dalka Mwai Kibakii uu heshiis dhex dhigay isaga iyo guddiyada kale.
Bethuel Kiplagat ayaa geeriyooday bartamihii bishii Toddobaad ee sanadkii 2017-kii
Dhanka kale ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ahna hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa amray sanadkii 2012-kii in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo falkaasi foosha xumaa.
Waxaa uu tilmaamay in xeer ilaaliyaha guud ee Kenya ee xilligaasi inuu cadaaladda hor keeno kuwii ka dambeeyay xasuuqaasi.
Mr.Odinga ayaa sidoo kale xilligaasi amray in la dhiso madxaf lagu sharfayo dhibanayaasha.