Ka dib markii uu dhawaan madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta daahfuray wajiga labaad ee barnaamijka caafimaadka guud ee UHC ayaa waxaa caymis caafimaad oo lacag la’aan ah helaya 6 milyan oo qof oo kenyaan ah.
Adeeggan ayaa waxaa bixin doonto waaxda caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa dadweynaha ugu baaqay inay iska diiwaangeliyaan waaxda NHIF si ay qorshahan uga faa’iidaystaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in la aqoonsaday qoysaska dhibaatooyinka u nugul ee caymiska lacag la’aanta ah ka faa’iidaysan doonto.
Waxaa uu qorshuhu yahay in bisha toddobaad ee sanadkan , la diiwaangelin doono 6 milyan oo dheeraad ah.
Dowladda ayaa lacag dhan 6 bilyan oo shilin ku wareejisay NHIF si ay barnaamijkan u hirgeliso.