Waddada Muthaiga-Kiambu oo Sabtida la xirayo

0
418

Maamulka qaran ee dhisidda waddooyinka waawayn ee (KeNHA) ayaa sheegay in laga billaabo maalinka Sabtida ee 12-ka bishan Febraayo la xiri doono waddada xiriirisa xaafadda Muthaiga iyo Kiambu road.
Waxaa uu jidkaasi xirnaan doonaa laga billaabo 6-da aroornimo ee Sabtida ilaa 4-ta aroornimo ee Talaadada.
Tani ayaa loo aaneeyay buundo ay shacabka ka gudbaan oo halkaasi laga dhisaya.
Maamulka (KeNHA) ayaa gaadiidleyda ku boorriyay inay taxaddar muujiyaan oo ayna waddooyin kale adeegsadaan iyagoo u hoggaansamaya xeerarka waaxda taraafikada.
Agaasimaha guud ee maamulkan, Injineer Kung’u Ndung’u ayaa bayaanka uu soo saaray sidoo kale shacabka iyo baabuurleyda waddadaasi isticmaalo ka raali geliyay wixii saameyn ah ee ku timaadda.