Guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Nairobi, Benson Mutura ayaa warqad u qoray guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC.
Waxaa uu guddigu si rasmi ah ugu wargeliyay inuu bannaan yahay kursiga deegaanka hoose ee Korogocho ka dib markii uu geeriyooday wakiilkii deegaankaasi Naftali Owuor Ogola.
Benson Mutura ayaa qoraalkiisa ku xusay in Ogola uu geeriyooday 30-kii bishii Diseembar ee sanadkii hore ka dib muddo dheer oo uu xanuunsanaa.
Ogola ayaa golaha hoose ee magaala madaxda wadanka ugu biiray si madax bannaan.
Wakiilka geeriyooday ee Korogocho ayaa ka tirsanaa guddiyada qorsheynta iyo guriyeynta ,biyaha iyo faya dhowrka , waxbarashada aasaasiga iyo tababarrada dhanka farsamada.
Guddiga doorashooyinka ee IEBC ayaa laga sugaya inuu qaado tallaabada xigta ee lagu buuxinayo jagada hadda bannaan si dadweynaha halkaasi ku nool ay u helaan wakiil matalo.