Turkiga oo bisha maarso qaadeysa xayiraadaha ka dhanka COVID-19

0
635

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in dowladda ay qaadeyso badowgii ay soo rogtay dowladda ee ka dhanka ahaa maalmaha sabtida iyo axada si dadka ay howlmaalmeedkoodii caadiga ahaa ay dib ugu soo noqdaan.
Mr Erdogan ayaa xarabaabay in gobolada qaar laga qaadi doono xayiraadaha tasoo loo eegaayo hadba sida uu hoos ugu dhacay cudurka.
Bishii December ayay aheyd markii dowladda turkiga ay soo rogtay Bandow iyo xayiraada ka dhan ah maalmaha sabtida iyo axada madaama xiligaas ay kor u kaceen kiisaska cudurka.
Sidoo kale dowladda ayaa qorsheyneysaa 1-da bisha maarso in dib loo furo dhamaan goobaha waxbarasha ee dalkaasi iyadoo barnaamijka talaalka ay qaateen ilaa hadda ku dhawaad 5.7 milyan oo qof.
Kadibmarkii uu kulan la qaatay golahiisa wasiirada, ayuu Mr Erdogan sheegay inuu jiro qorsha dib loogu furaayo maqaaxiyah yar yar iyo kuwa waaweyn-ba kuwaas oo la xiray bilaka hor.
Shacabka dalkaasi ayuu ugu baaqay inay u hogaansamaan talaabooyinka lagu xakameynaya cudurkan.
Tan iyo markii uu cudurkan bilwaday, waxaa Gudaha Turkiga laga xaqiijiyay in kabadan 2.6 milyan oo kisas halka ku dhawaad 27,000 oo dhimasho laga soo tabiyay.