Iskuduwaha cusub ee dowladda dhexe ku matalo gobolka waqooyi bari James Kianda ayaa sheegay inuu qorsheynayo sidii gobolkaasi looga dabar goyn lahaa falalka amni darro ee ay argagixisannimada ka mid tahay.
Dhawaan ayaa loo magacaabay xilkan wuxuuna beddelay Nicodemus Ndalana oo loo soo wareejiyay xarunta dhexe ee wasaaradda arrimaha gudaha ee Nairobi.
Kianda oo horay u hoggaamin jiray howlaha amniga ee caasimadda dalka ayaa sheegay in shacabka laga doonayo inay mas’uuliyad buuxda iska saaraan difaaca dalkooda hooyo oo ay xogaha shakhsiyaadka ay ka shakisan yihiin la wadaagaan ciidamada ammaanka si tallaabada habboon loo qaado.
Waxaa uu dadweynaha u sheegay inay kaalin ku leeyihiin sirdoonka looga hor tago falalka argagixisada.
Sidoo kale iskuduwaha ammaanka ee gobolka waqooyi bari ayaa guddoomiye xaafadeedyada iyo ku xigeenadooda ku amray inay mar kasta ku sugnaadaan oo ay ka shaqeeyaan meelaha ay dowladdu ku ogtahay.
Waxaa uu wacad ku maray inuu tallaabo sharciyeed ka qaadi doono guddoomiye xaafadeedyada ama ku xigeenadooda ka soo tagay tuulooyinka loo xilsaaray oo u soo wareegay magaalooyinka waawayn.