Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in galinkii dambe ee shalay ciidamada ammaanka ee ismaamulka Nairobi ay toogasho ku dileen xubin ka tirsan burcad la magacbaxday ‘Katombi’ oo dadweynaha dhibaatooyin u gaysata.
Saraakiisha oo xilligaasi roondooyin sameynayay ayaa waxay rasaas isweydaarsadeen burcadda taasoo keentay in mid ka mid ah laga takhaluso.
Kooxdan ayaa sidoo kale loo yaqaanaa ‘Fadhili Mgaza’
Saraakiisha dambi baarista ee ka howl galo deegaan baarlamaneedka Starehe ayaa xubnaha kale ee burcadda ugu baaqay inay laamaha ammaanka isku soo dhiibaan ka hor inta aan la cirib tirin.
DCI-da ayaa intaasi ku dartay in goobta laga fuliyay howlgalka sidoo kale laga soo helay hub ay rasaas dhowr ah ku jirto.