Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa doonaya in baarlamaanka uu ansaxiyo xeerar awoodo dheeraad ah u siin karo xaqiijinta habdhaqanka musharraxiinta siyaasadeed.
EACC ayaa guddiga arrimaha sharciga iyo cadaaladda ee baarlamaanka (JLAC) weydiisatay inuu ka caawiyo sidii ay ugu suurtagali lahayd in musharraxiinta aan buuxin shuruudaha dhanka hufnaanta laga hor istaago inay qabtaan xilalka hoggaanka.
Madaxa fulinta ee EACC Twalib Mbarak ayaa golaha qaran ee xeer dejinta u sheegay inay lagama maarmaan tahay in isbeddel lagu sameeyo shuruucda dastuuriga ee ay adeegsadaan ka hor xilliga doorashada guud.
Waxaa uu mas’uulkan intaasi ku daray in loo baahan yahay in fiiro gaar ah loo yeesho saraakiisha sar sare ee dowladda dhexe iyo ismaamullada ee xilal doonka ah si looga hor tago inay kheyraadka dadweynaha ku takriifalaan ka hor inta aynan xafiisyada banneyn.
Twalib Mbarak ayaa sidoo kale codsaday in guddiga uu hoggaamiyo ee anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa loo qoondeeyo miisaaniyad dheeraad ah .