Madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto ayaa ka jawaabay hadal uu shalay jeediyay hoggaamiyaha wadanka oo ahaa in bulshada loogu adeego xafiisyada.
Uhuru ayaa si dadban u dhaliilay ololaha siyaasadeed ee uu xilli hore guda galay ku xigeenkiisa.
Hasa ahaate William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in aynan sax ahayn in la iska indha tiro kaalinta uu ka qaatay horumarka maamulka Jubilee uu ka sameeyay gudaha wadanka.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in xisbiga Jubilee uu yahay mashruuc ay iska kaashanayaan isaga iyo madaxweynaha.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa xusay in kaalin mug leh uu ku lahaa guulaha uu xisbiga Jubilee gaaray.
Waxaa uu intaa ku daray inuu kormeeray qorsheynta iyo fulinta dhammaan mashaariicda la qabtay tan iyo markii uu noqday madaxweyne ku xigeenka dalka ee sanadkii 2013-kii.
Ruto ayaa ku celceliyay in qorshayaasha horumarineed lagu dejiyo xafiisyada balse mararka qaar baabuur dushii lagu fulin karo .
Mar uu arrimahan ka hadlay ayuu hoggaamiyaha labaad ee wadanka yiri.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:William Ruto oo sheegay in aan la dafiri karin kaalintiisa horumarka Jubilee