Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadallo ay jeediyeen qaar ka mid ah xulafada siyaasadeed ee ku xigeenkiisa William Ruto oo ah in xisbiga Jubilee uunan saameyn lahayn.
Madaxda ayaa hoosta ka xarriiqay in xubno badan ay iskaga baxeen xisbiga haya talada wadanka oo ay ku biireen UDA.
Hasa ahaate Mr. Kenyatta ayaa xusay in saameynta Jubilee, waxqabadkiisa iyo awoodda uu leeyahay ay weli tahay mid laga dareemayo guud ahaan wadanka.
Uhuru ayaa sheegay in la joogo xilligii bulshada loo adeegi lahaa oo aan weli la gaarin wakhti lagu mashquulo siyaasad.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu weli diiradda saarayo oofinta ballanqaadyadii horumarineed ee uu maamulkiisa u sameeyay kenyaanka sidaas awgeedna marka la gaaro xilliga doorashada uu kaalintiisa ka qaadan doono mustaqbalka siyaasadeed ee wadanka.