Madaxa xisbiga Wiper kana mid ah hoggamiyaasha isbeheysiga OKA Kalonzo Musyoka ayaa meesha ka saaray sheegashada ah in isbeheysigan uu shuruud ku xiray ka mid noqoshada higsiga mideynta ee Azimio La Umoja islamarkaana uu hoggaamiyo Raila Odinga.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka oo hadalkan ka jeediyay deegaanka Huruma ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in madaxda OKA ay yihiin hoggaamiyeyaal daacad ah oo aysan shuruudo ku xiri karin dadka kale si ay ula shaqeeyaan.
Warar la baahiyay ayaa sheegayay in isbeheysiga OKA uu dalbanayo jagada ku xigeenka madaxweynaha iyo matalaadda muhiimka ah ee dowladda, taas oo qayb ka ah heshiis la sheegay in lala galay Raila Odinga balse waxaa arrintani beeniyay Kalonzo Musyoka oo sheegay inaysan qofna heshiis la galin.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Kalonzo Musyoka oo beeniyay in isbeheysiga OKA uu heshiis la galay Raila...