DHAGEYSO:Guddiga IEBC oo maanta gabagabeynaya diiwaangelinta codbixiyeyaasha

0
359

Waxaa maanta la soo gabagabeyn doonaa wajiga labaad ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo laga soo billaabo 17-kii bishii hore uu waday guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay isa soo tarayaan baaqyada loo jeedinaya shacabka ee ah inay qaataan kaarka codeynta si ay 9-ka bisha siddeedaad ee sanadkan u soo doortaan madax ay ka rajeynayaan waxqabad wanaagsan.
Iskuduwaha guddiga IEBC ee ismaamulka Wajeer Aadan Xaraar Nuur ayaa dadweynaha aanan weli is diiwaangelin ku boorriyay inay ka faa’iidaystaan saacadaha haray ee barnaamijkan.

Guddoomiyaha guddiga IEBC Wafula Chebukati ayaa maalmo ka hor sheegay in aan la kordhin doonin muddada diiwaangelinta ee codbixiyeyaasha.