Madaxweynaha dalka oo u tacsiyeeyay qoyska barasaabka Kiambu

0
258

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska , ehellada iyo asxaabta guddoomiyaha ismaamulka Kiambu ee gobolka bartamaha James Nyoro.
Tani ayaa timid ka dib markii ay Jimcihii geeriyootay Rachel Njeri oo ahayd hooyada barasaabka Kiambu.
Mr. Kenyatta ayaa hooyada geeriyootay iyadoo 88 sano jir ah ku tilmaamay haweeney kaalin wayn ku biirisay horumarinta ganacsiga ku saleysan wax soo saarka beeraha.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in Mama Njeri lagu xusuusan doono geesinnimo iyo in si aan hagrasho lahayn ay ugu hoggaamin jirtay haweenka kale ee bulshadeeda.
Madaxweynaha ayaa qoyska barasaabka Kiambu u sheegay inuu murugada la qaybsanaya xilligan adag ee ay wajahayaan.