Hoggaamiyaha Golaha kacdoonka Gobolka Hiiraan janeraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo xalay Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Arrimo badan oo ay ka mid yihiin Ciidamadii xalay xirtay Qaybo ka mid ah magaalada Beledweyn iyo Wararka sheegaya in Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe uu halkaasi taggi doono Maanta.
Janeraal Xuud ayaa ugu horreyntii sheegay in Arrinta ay Xamar markii hore u yimaadeen ay ahayd Wanaag iyo in wadda hadal wax lagu dhameeyo, balse hadda ay socdaan dadaallo lagu dib mareeynayo oo Halkaasi dhib laga sameynayo, sida uu hadalka u dhigay.
“Wixii meshaas ka dhaco oo dhibaato ah waa la yaqaanaa Cidda qaadeyso mas’uuliyadaas, Waana soo bixi doontaa, ayuu yirri Janeraal Xuud.
Janeraal Xuud ayaa ku hanjabay in wax walbo oo la sameeyo Ay jawaab u dhiganta ay sameeyn doonaan.
Mar uu arrimahan ka hadlay ayuu janeraal Xuud yiri
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:General Xuud “Waan diidanahay in Cali Guudlaawe uu yimaado Beledweyne”