Murugo: Wiilkii yaraa ee ku dhacay ceel ku yaalla Morocco oo geeriyooday ka hor inta aan la soo saarin

0
754

Waxaa la soo saaray meydka will 5 sano jir ah oo shan maalmood ku jiray ceel biyood dheer oo ku yaalla waqooyiga dalka Morocco.
Warbaahinta dowladda ayaa laga soo xigtay in bayaan ka soo baxay boqortooyada lagu sheegay in wiilka yar uu dhintay wax yar ka hor inta aysan samatabixiyaasha goobta ka soo saarin.
Boqor Maxamad-ka 6-aad ee wadanka Morocco ayaa u tacsiyeeyay waalidiinta dhalay wiilka 5 sano jirka ee geeriyooday oo lagu magacaabo Rayaan.
Sidoo kale bayaanka ayaa lagu yiri “Ka dib shilka naxdinta lahaa ee galaaftay nolosha ilmaha yar, boqor Maxamad ayaa wacay waalidiinta wiilka dhintay”
Shaqaalaha samatabixinta oo qodayaal u badnaa ayaa shaqaynayay habeen iyo maalin si ay u badbaadiyaan ilmaha shan jirka ah oo ku dhacay ceel hoos u qadan oo 32 mitir ah, halka ballaciisa uu yahay 45 Centiimitar.
Waxaa iskudaygii lagu doonayay in wiilkan godka loogaga soo saaro uu soo jiitay indhaha dadweynaha Morocco, iyadoo sidoo kale boqollaal qof ay isugu soo uruureen ceelka halka kumannaan kun oo kalana ay dhacdadan kala socdeen baraha bulshada kuwada xiriirto ee intarneetka.
Waaxyaha gurmadka degdega ah ee dalka Morocco ayaa mudda 5 cisho ah ku mashquulsanaa sidii ay wiilkaasi nolol ugu soo bixin lahaayeen godka dheer oo uu ku go’doonsanaa , hasa ahaate dadaalladii ay wadeen waxaa curyaamiyay cabsi laga qabay in dhulku uu go’o.
Tuulada dhacdadan laga soo tabiyay ee ku taalla waqooyiga dalka Morocoo ayaa waxaa ku nool 500 oo qof, waxaana ku yaalla ceelal dhaadheer, kuwaas oo intooda badan loo isticmaalo waraabinta dalagyada laga soo saaro daroogada nooca xashiishka oo ah isha ugu wayn ee dhaqaalaha dad badan oo sabool ah oo deggan tuuladaasi.