Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa gacanta ku dhigay 8 mas’uuliyiin oo uu ka mid yahay guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Migori Boaz Okoth.
Shakhsiyaadkan ayaa loo haystaa inay aroornimadii hore ee maanta jabiyeen oo ay gudaha u galeen xafiiska sarkaalka ugu sarreeya dhanka maaliyadda ee baarlamaanka Migori.
Falkan ayay gaysteen abaare 3-dii arrornimo iyagoo halkaasi ka saaray feelal dhowr ah iyo kombiyuutarro.
Waxaa arrintan warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha booliska ee Migori Mark Wanjala.
Waxaa uu intaasi ku daray in guddoomiyaha golaha , Boaz Okoth uu isagoo feelalka sita uu isku soo xiray xafiiskiisa ka dib markii uu ka war helay in boolisku ay goobta ku sugan yihiin.
Wanjala ayaa tilmaamay inay guddoomiyaha ku qanciyeen inuu isku dhiibo waaxda dambi baarista si uu u qoro farriin qayb ka noqonaysa baaritaannada dhacdadan ku aaddan.
Taliyaha booliska ee Migori ayaa laga soo xigtay in toddobada qof ee kale aynan u shaqeynin dowladda ismaamulkaasi.
Boaz Okoth iyo eedeysanayaasha kale ayaa hadda lagu hayaa saldhigga booliska ee Migori waxaana dacwad lagu soo oogi doonaa ka dib marka baaritaannada ka dhanka ah la soo gabagabeeyo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ay sarkaalka ugu sarreeya ee waaxda maaliyadda fursad u siinayaan inuu eego feelalka si uu u caddeeyo haddii ay jiraan isbeddelo lagu sameeyay macluumaadka.