DHAGEYSO:ODM oo shaacisay inay wada shaqeyn karaan OKA

0
515

Xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda Radio Citizen ayaa sheegay inay wada shaqeyn dhex mari karto iyaga iyo isbeheysiga siyaasadeed ee OKA.
Sifuna ayaa hoosta ka xarriiqay in hiigisiga mideynta bulshada ee Azimio La Umoja ee uu hor kacaya Raila Odinga uu diyaar u yahay inuu iskaashi la sameeyo garab kasta oo mudnaanta koowaad siinaya danaha kenyaanka.
Waxaa uu tilmaamay in kastoo mas’uuliyiinta siyaasadeed ay dhaliilo joogto ah isweydaarsadaan haddan inaysan jirin cadowtinnimo shakhsiyeed oo ka dhexeysa.

Dhawaan ayay ahayd markii Musalia Mudavadi iyo Moses Wetangula ay iskaga baxeen isbeheysiga OKA iyagoo saaxiibadooda Kalonzo Musyoka iyo Gideon Moi ku eedeyay inay u janjeerayaan dhanka Raila Odinga.