DHAGEYSO:Qaar ka mid ah saraakiisha shirkadda korontada ee Garissa oo baaritaano wajahaya

0
439

Guddiga ammaanka ee ismaamulka Garissa ayaa baaritaano ku sameynaya howlwadeeno ka tirsan shirkadda korontada dalka ee KPLC ee dowlad deegaankaasi.
Saraakiisha ayaa lagu eedeynayaa in iyagoo kaashanaya dadka ka shaqeysta biraha laga soo saaro agabka kala duwan ay carqaladeeyaan bixinta adeegga korontada ee Garissa.
Sidoo kale waaxda dambi baarista ayaa dabagal ku sameynaysa qandaraasyo ay shirkadda bixisay oo tuhun la galiyay.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Garissa Boaz Cherutich ayaa arrintan warbaahinta uga warramay isagoo wacad ku maray in dhammaan dhinacyada ku lugta leh tallaabo sharciyeed laga qaadi doono.

Tani ayaa imaanaysa maalmo un ka dib markii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu mamnuucay ka ganacsiga bir qalaxa ka dib markii ay soo baxday in la waxyeeleeyo kaabayaasha dowladda oo ay ka mid tahay agabka isgaarsiinta.