DHAGEYSO:Hal tuhmane oo loo soo qabtay qaraxii shalay ee Mandera

0
540

Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay eedeysane lala xiriirinayo qaraxii abaare 7:30 subaxnimo ee shalay ka dhacay ismaamulka Mandera.
Saraakiisha ammaanka ayaa hadda eedeysanaha ku sameynaya baaritaano dheeraad ah.
Ciidamo ka tirsan booliska qaabilsan la dagaalanka argagixisada ee loo yaqaano ATPU-da iyo saraakiil ka tirsan waaxyo kala duwan ayaa aad u adkeeyay amniga deegaankaasi.
Qaraxaasi oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa ku dhintay 7 qof halka 13 kalena ay ku dhaawacmeen.
Afhayeenka booliska dalka Bruno Shioso oo khadka taleefoonka ugu warramay warbaahinta Capital FM ayaa sheegay in askartii ku sugneyd halkaas ay ka jawaabeen falka .
Waxaa uu intaasi ku daray in qaar ka mid ah saraakiisha sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da oo agga ka ag-dhawaa ay ku guulaysteen inay baacsadaan dembiilayaasha oo ku dhuumaalaysanaya duurka u dhow goobta uu qaraxa ka dhacay.
Booliska ayaa sheegay in gaariga qaraxa lagula eegtay goobta loo yaqaano Hagarsu ee waddada xiriirisa Carabiya iyo Mandera uu ku sii jeeday magaalada Mandera ay sarnayeen 20 qof oo rakaab ah xilligii uu qaraxa dhacayay.
In kastoo tirada dhimashada iyo dhaawacaba la soo gudbiyay haddana goobjoogayaal ayaa goor sii horreysay warbaahinta u sheegay in laga yaabo in dhimashadu ay intaasi ka sii badato, maadaama dadka waxyeelladu soo gaartay ay qabaan dhaawacyo halis ah.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Mandera George Seda ayaa xusay in qaraxa uu ka dhacay meel 8 kiilomitir u jirta magaalada Mandera, islamarkaana kooxaha gurmadka ay daad gureeyeen dadkii weerarka ku dhaawacmay.
Waxaana ilaa iyo hadda caddeyn in gaariga uu ahaa bartilmaameedka iyo in kale.
Taliyaha booliska ee gobolka waqooyi bari Rono Bunei ayaa dhankiisa warbaahinta u sheegay inaysan weli xaqiijin sababta keentay in laba baabuur oo kale ay uga leexdeen waddada uu qaraxu ka dhacay.
Qaar ka mid ah wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Mandera ayaa u tacsiyeeyay qoysaska ay ka baxeen dadkii shalay qaraxa ku dhintay iyagoo dhanka kale dowladda ugu baaqay inay xaqiijiso badqabka bulshada.

Qaraxa ayaa ku soo aadaya, ka dib digniin dhawaan ay soo saareen dowladaha reer galbeedka sida Faransiiska iyo Jarmalka, kuwaas oo muwaadiniintooda ku nool Kenya uga digay weerarro argagixiso oo ka dhaca Nairobi, islamarkaana lala beegsan karo goobaha ay ku badan yihiin ajaaniibta.