Agaasimaha wasaaradda caafimaadka ee dowlad deegaanka Mandera Dr. Cabdi Macallim ayaa warbaahinta Star faahfaahin ka siiyay dadka ay waxyeelladu kasoo gaartay qaraxii saaka ee deegaanka Carabiya.
Waxaa uu sheegay in 7 qof ilaa hadda la xajiiyay inay dhinteen halka 13 kale ay dhaawacyo halis soo gaareen.
Sidoo kale ehellada dadka ay waxyeelladu soo gaareen ayaa sidatan dareenkooda u muujiyay
Qarax ayaa ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ee loo yaqaano IED waxaana lala eegtay gaariga nooca gaadiidka dadweynaah ee Matatu.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in baaburka uu ku sii jeeday magaaalada Mandera ee xarunta ismaamulkaasi.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Mandera George Seda ayaa sheegay in aysan jirin cid loo qabtay falkan, balse goobta uu qaraxa ka dhacay ay gareen laamaha ammaanka islamarkaana haatan baaritaanno socdaan.
Waxaa uu sheegay in qaraxa uu ka dhacay meel 8 kiilo mitir u jirta magaalada Mandera, islamarkaana kooxaha gurmadka ay daad gureeyeen dadkii dhaawacyadu soo gaareen.
Waxaana ilaa iyo hadda caddeyn in gaariga uu ahaa bartilmaameedka iyo in kale.
Qaraxa ayaa kusoo aadaya, ka dib, digniin dhawaan ay soo saareen dowladaha reer galbeedka sida Faransiiska iyo Jarmalka, kuwaas oo muwaadiniintooda ku nool Kenya uga digay weerarro argagaxiso oo ka dhaca Nairobi, islamarkaana lala beegsado goobaha ay ku badan yihiin ajaanibta.