SAWIRRO:7 qof oo ku dhintay qarax miino oo ka dhacay deegaan ka tirsan ismaamulka Mandera

0
992

Ugu yaraan 7 qof oo rakaab ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qarax saaka ka dhacay inta dhexeysa deegaanka hoose Arabia iyo magaalada Mandera.
Qarax ayaa ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ee loo yaqaano IED waxaana lala eegtay gaariga nooca gaadiidka dadweynaah ee Matatu.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in baaburka uu ku sii jeeday magaaalada Mandera ee xarunta ismaamulkaasi.
Saraakiisha caafimaadka ee ismaamulka Mandera ayaa dhanka kale sheegay in 13 qof ay dhaawacyo culus soo gaareen.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta uu sheegay in laga yaabo in dhimashadu ay intaasi kasii badato, maadaama dadka waxyeeladu soo gaareen ay qabaan dhaawacyo halis ah.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Mandera George Seda ayaa sheegay in aysan jirin cid loo qabtay falkan, balse goobta uu qaraxa ka dhacay ay gareen laamaha ammaanka islamarkaana haatan baaritaanno socdaan.
Waxaa uu sheegay in qaraxa uu ka dhacay meel 8 kiilo mitir u jirta magaalada Mandera, islamarkaana kooxaha gurmadka ay daad gureeyeen dadkii dhaawacyadu soo gaareen.
Waxaana ilaa iyo hadda caddeyn in gaariga uu ahaa bartilmaameedka iyo in kale.
Qaraxa ayaa kusoo aadaya, ka dib, digniin dhawaan ay soo saareen dowladaha reer galbeedka sida Faransiiska iyo Jarmalka, kuwaas oo muwaadiniintooda ku nool Kenya uga digay weerarro argagaxiso oo ka dhaca Nairobi, islamarkaana lala beegsado goobaha ay ku badan yihiin ajaanibta.
Wixii qododbkan kasoo kardho halkan aad kala socon doontan