Madaxa qaramada midoobay oo ka hadlay howlaha nabad sugidda ee Afrikada dhexe

0
782

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in howlgalka nabad sugidda ee dalka Afrikada dhexe ee CAR uu u baahan yahay ciidamo dheeraad oo gaaraya 3,700.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay kaalin weyn ka qaadanayso sugidda amniga wadankaas oo uu ku tilmaamay mid maraya marxalad aad muhiim u ah.
Mr.Guterres ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in saraakiisha dheeraadka ah la doonayo in ay isugu jiraan 2,750 oo militari iyo 940 oo boolis ah.
Waxaa khasab ah in golaha ammaanka ee qaramada midoobay uu ansaxiyo soo jeedinta Guterres si tirada guud ee militariga Afrikada dhexe u joogo howlaha nabad sugidda ay u noqoto 14,400 iyo boolis dhan 3,020.