DHAGEYSO:30 ka mid ah wakiillada Trans Nzoia oo taageeray iskaashiga UDA-ANC

0
330

Waxaa lagu soo warramayaa in 30 ka mid ah wakiillada deegaannada hoose ee ismaamulka Trans Nzoia ay shaaciyeen inay taageerayaan wada shaqeyntii ay Axaddii hore ku dhawaaqeen madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto , hoggaamiyaha ANC Musalia Mudavadi iyo Moses Wetangula oo hoggaamiyo Ford-Kenya.
Siyaasiyiintan ayaa sheegaya in Kenya uu u furmay bog cusub oo siyaasadeed sidaas awgeedna ay soo dhaweynayaan.
Waxay sheegeen inay ismaamulkooda ka sameyn doonaan olole ay shacabka uga dhaadhicinayaan inay la saftaan Ruto, Mudavadi iyo Wetangula