Biden oo Putin ugu hanjabay xayiraado khaas ah haddii uu ku duulo Ukraine

0
597

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dhigiisa Ruushka Vladimir Putin ugu hanjabay in xukuumadda Washington ay si gaar ah cunaqabateyn ugu soo rogi doonto haddii dowladiisa ay iskudaydo inay ku duusho wadanka dariska la ah ee Ukraine.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay isa soo tarayaan eedeymaha loo jeedinaya dowladda Ruushka ee ah inay kumanaan ciidamo ah gaysay oo ay dhoolo-tus militari ka wadaan xadka ay Ukraine la wadaagto.
In kastoo xukuumadda Moscow ay beenisay inay ku howlan tahay qorsho duullaan ah , haddana waddamada reer galbeedka ayaa cadaadis xooggan saaraya.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa xusay in qorshaha lagu tuhunsan yahay Ruushka uu yahay mid xilli kasta la fulin karo sidaas awgeedna aynan ahayn in la dhayalsado.
Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Biden ayaa warbaahinta u sheegay inay Ruushka ku soo rogi karaan xayiraado dhaqaale oo ka saameyn badan kuwii ay soo bandhigeen sanadkii 2014-kii ka dib markii xukuumadda Moscow ay Ukraine ka goosatay gobolka Crimea.