Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada ee maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmad (Jaketti) oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in maamulka gobolka Banaadir uusan aqbalayn waxyaabaha dhaqan xumada ah ka dib markii dhawaan baraha bulshada lagu faafiyay muuqaal laga arkayo carruur yaryar oo gabdha ah islamarkaana daroogada nooca loo yaqaano Shiishadda la siinayo.
Marwo Basma Caamir ayaa sheegtay in Dadkii Carruurta yaryar siiyay Maandooriyaha ay ku jiraan Gacanta laamaha Amniga Gobalka Banaadir, iyadoo maamulka Gobolka iyo Bulshaduna ay si wada jir ah isaga kaashanayaan inay ka hortagaan dhibaatadaan