DHAGEYSO:Midowga musharaxiinta Soomaaliya oo baaq u diray laamaha amaanka

0
475

Ayadoo Magaalada CaasimadDa Soomaaliya ee Muqdisho laga Dareemayo abaabulka ay wadaan Xubnaha Midowga Musharaxiinta ee ku aadan banaanbaxa ay ku baaqeen inuu dhacayo maalinka Jimca ee toddobaadkaan ayay dhanka kalena Mucaaradka iyo Musharaxiintu waxay sheegayaan in Wixii dhibaato ah oo ka dhashay Banaanbaxaas ay mas’uuliyedeeda dowladdu leedahay sida ay hadalkooda u dhigeeen.
Daahir Maxamuud Geelle oo Ka mid ah Xubnaha Midowga Musharaxiinta oo Xalay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in baaq la xiriira sugidda amaanka Banaanbaxa oo ay Hay’adda amaanka u direen aysan wali uga soo Jawaabin isgaoo Nasiib darro ku Tilmaamay islamarkaana waxa u eedeyn u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya