Dowladda dalka ayaa soo afjartay xayiraad ay horay ugu soo rogtay duulimaadyada Kenya uga yimaada dhanka isu tagga imaaraadka carabta ee UAE-da.
Agaasimaha guud ee maamulka duulimaadyada rayidka ee (KCAA) Gilbert Kibe ayaa sheegay in muddada xayiraadda ay ugu dambeysay saqdii dhexe ee xalay.
Waxay tani micnaheedu tahay in hadda Kenya looga safri karo sidoo kalena looga soo ambabixi karo dhanka UAE-da.
Mr. Kibe oo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin isbeddelka ku yimid mowqifkii dowladda ayaa xaqiijiyay in go’aankii imaaraadka uunan weli wax iska beddelin balse ay rajeynayaan in dib loo eego.
Labo toddobaad ka hor ayay ahayd markii ay Kenya go’aanka hadda laga laabtay ay qaadatay iyadoo ka falcelinaysa xannibaad uu imaaraadka saaray duulimaadyada wadanka oo loo aaneeyay shahaadooyinka COVID-19 oo lagu tilmaamay kuwo been abuur ah.