Kenya oo heshay 1.36 milyan oo ah dawooyinka tallaalka ee Pfizer

0
375

Waxaa galinkii dambe ee shalay wadanka la soo gaarsiiyay 1.36 milyan oo ah dawooyinka tallaalka ka dhanka ah cuduruka COVID-19 gaar ahaan nooca loo yaqaano Pfizer.
Dowladda Maraykanka ayaa Kenya ugu deeqday dawooyinkan oo ay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ku guddoomeen saraakiisha wasaaradda caafimaadka oo uu hor kacayay guddoomiyaha guddiga ay dowladda dhexe u xilsaartay qaybinta tallaalka Dr .Willis Akhwale.
Dr .Akhwale oo xukuumadda Washington uga mahadceliyay taageerada ay u fidisay Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in dawooyinkan loo qaybin doono dhammaan gobollada wadanka.
Waxaa uu xusay in tallaalka si siman loo gaarsiin doono ismaamullada dalka .
Dr. Akhwale ayaa sidoo kale qiray in Kenya ay wajahayso gabaabsi dhanka tallaalka ee nooca Moderna .
Mas’uulkan ayaa intaasi ku daray in qorshaha dowladda uu yahay in dhammaadka bisha Lixaad ee sanadkan caabuqa corona laga tallaalo ugu yaraan 19 milyan oo qof.
Sidoo kale waxaa uu carrabka ku dhuftay inay bartilmaameedsanayaan in 4.2 milyan oo Kenyaan dhammaadka sanadkan la siiyo irbadda xoojinaysa tallaalka.
Laga billaabo maalinka Jimcada ee toddobaadkan waxay wasaaradda caafimaadka ee dalka daahfuri doontaa olole lagu tallaalayo 3 milyan oo qof oo dheeraad ah.