Aqalka sare ee dalka oo saddex cisho yeelanaya kal-fadhiyo gaar ah

0
419

Guddoomiyaha aqalka sare Ken Lusaka ayaa u yeeray senatarrada si ay uga qayb galaan kal-fadhiyo gaar ah oo socon doono muddo saddex cisho ah.
Tani ayaa timid ka dib codsi ka yimid hoggaamiyaha aqlabiyadda senate-ka Samuel Poghisio.
Kulamada ayaa qabsoomi doono galinka hore iyo galinka dambe ee 25-ka ilaa 27-ka bishan koowaad.
Xubnaha aqalka sare ayaa ka doodi doono hindise sharciyeedka isbeddellada lagu sameeyay xeerarka siyaasadeed ee wadanka.
Sidoo kale waxay eegi doonaan hindise sharciyeedka hiddaha iyo matxafyada, isbeddel lagu sameeyay xeerarka ismaamullada , xiriirka labada heer ee dowladda oo wax laga beddelay,kormeeridda iyo la xisaabtanka dowlad deegaannada iyo xeerar kale.
Ken Lusaka ayaa sheegay in kal-fadhiyadan ka dib , howlaha aqalka sare la hakin doono ilaa 8-da bisha labaad.