Waxaa lagu soo warramayaa in kooxo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay ugu yaraan 8 gaari ku gubeen ismaamulka Lamu.
Gawaaridan ayaa loo adeegsanayay adeegyada waddooyinka ee mashruuca horumarinta ee loo yaqaano LAPSSET oo ah midka ugu wayn bariga Afrika, kaasoo isku sku xirayaa waddamada Kenya, Itoobiya iyo Suudaanta Koonfureed.
Weerarka gawaaridaan lagu gubay ayaa maanta laga gaystay aaga Kwa Omolo-Bodhei oo ku yaalla waddada wayn ee xiriiriso dowlad deegaanada Lamu iyo Garissa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in baabuurtaan ay leedahay shirkadda isgaarsiinta ee Shiinaha.
Waxaa ay sidoo kale dhacdadan kusoo aadeysaa wax ka yar 24 saac ka dib markii ay soo baxeen warar xan ah oo ku aadan weerar qorsheysan oo kooxda Al-shabaab ka fulinayaan ismaamulka Lamu, gaar ahaan aaga uu ka socdo mashruuca LAPSSET iyo waddada aadda dekadda Lamu.
Shaqaalihii ku sugnaa goobta uu mashruuca waddooyinka ka socday ayaa dib loogu celiyay xerooyinkii ay daganaayeen iyadoo ay jirto cabsi ka dhalatay weerarka.
Home Wararka Kenya 8 gaari oo la adeegsanayay waddoyinka ee mashruuca horumarinta LAPSSET oo lagu...