Raila Odinga oo ololihiisa geeynaya Nakuru

0
569

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa lagu wadaa inuu maanta ololihiisa ku saleysan mideynta bulshada uu geeyo ismaamulka Nakuru.
Mr. Odinga ayaa isku soo baxyo kala duwan ku qaban doono degmooyinka Mwisho wa Lami, Mau Narok, Likia iyo Mauche.
Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa isna maanta tagaya dowlad deegaanka Kajiado.
Labada mas’uul ayaa maalmihii ugu dambeeyay iswaydaarsanayay dhaliilo siyaasadeed oo mid kasta uu doonayo inuu taageero kaga helo codbixiyeyaasha.