Waxaa la filayaa in dhawaan xeryaha qaxootiga ee Dadaab laga fuliyo indha-fiiq lacag la’aan ah oo ay maalgelinayaan qaar ka mid ah qurbajoogta soomaaliyeed ee ku nool waddamada Maraykanka iyo Canada .
Waxaa hadda socdo diiwaangelinta dadka doonaya inay qorshahan ka faa’iidaystaan.
Dr. Maxamad Xasan Sheekh oo ah khabiir ku takhasusay indha fiiqidda sidoo kalena la shaqeeya wasaaradda caafimaadka ayaa arrintan faahfaahin ka siiyay warbaahinta Star.