Raila iyo Ruto oo socdaal ku tagaya Narok iyo gobolka bari

0
341

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa maanta gaaray ismaamulka Narok halka madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto uu ololihiisa geynaya gobolka bari ee Ukambani uu ka soo jeedo hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka.
Waxaa uu qorshuhu yahay in Mr. Odinga oo kulan wadatashi uu deegaanka waqooyiga Narok kula qaato hoggaamiyayaasha siyaasadda iyo diimaha ee deegaankaasi.
Kulanka ayaa lagu qaban doonaa garoonka Ololunga DC.
Gelinka dambe ee maanta, ayaa lagu wadaa in madaxa xisbiga ODM Raila Odinga uu khudbad ka jeediyo isu soo bax siyaasadeed oo weyn oo ka dhici doona suuqa Ewuaso Ngiro ee waqoooyiga deegaanka Narok si uu dadweynaha uga dhaadhiciyo ololihiisa mideynta bulshada ee Azimio La Umoja.
William Ruto ayaa isna taageero weydiisan doono dadweynaha gobolka bari ee Ukambani waxaa uuna kulamo kala duwan ku qabanayaa suuqyada Nzeveni, Nguumo iyo Kya Mbeke oo kawada tirsan ismaamulka Makueni.