Ciidamada gaarka ah oo howlgalo ka sameeyay Beledweyne

0
744

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ee Haramcad ayaa Maanta howlgallo kala duwan waxaay ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Ciidamadaan ayaa sigaar ah waxaay howlgalka uga wadaan xaafada Nuur-Xawaad ee Magaalada Beledweyne, howlgalkaan oo amniga lagu xaqiijinaya.
Dad ku sugan Beledweyne ayaa waxay sheegeen in Ciidamada ay baaritano xoogan ku sameynaya dadka iyo Gaadiidka ku kala gudbaya Buundada Nuur-Xawaad ee Magaalada Beledweyne.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Maamulka Magaalada Beledweyne wax faah faahin ah kama bixin howlgalkaan oo Maanta si wyen looga dareemay Xaafada ku dhow dhow Xaafada Nuur-Xawaad ee Magaalada.
Hwlgalka maanta Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ay ka bilaabeen Magalada Beledweyne ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay Janeraal Xuud Maleeshiyaad uu Hogaaminayo oo diidan Maamulka Hirshabeelle ay ku sugan yihiin Gobolka Hiiraan uu u qabtay Mas’uuliyiinta Hir-Shabeelle inay 48 Saacadood uga baxaan Magaalada Beledweyne sida ay hadalkooda u dhigay.