Maxay kawada hadleen dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta?

0
692

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaraatka Carabta u jooga Soomaaliya Maxamad Axmad Al-Cusmaan.
Wasiirka ayaa la wadaagay Danjiraha sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga xuntahay weerarkii argagixiso ee lagu qaaday magaalada Abu Dhabi ee caasimadda dalka isu tagga imaaraatka Carabta, isaga oo uga tacsiyeeyey dhibbaneyaashi ay waxyeelladu ka soo gaartay falkaas arxan darrada ahaa.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjiraha Dowladda Imaraatka Carabta ayaa waxa ay kulankooda kaga wada hadleen xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo, horumarinta iskaashiga dheef-wadaagga ah iyo wax wada qabsiga labada dal.
Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali ayaa habeen hore waxaa uu kulan khadka Telefoonka ah kula yeeshay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, wuxuuna kala hadlay dardar-gelinta xiriirka labada dal.
Si kastaba Ra’iisul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble ayaa dhawaan dib u soo celiyay xiriirkii ka dhexeyay dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta oo muddo xumaa, waxaana Xukuumadda sheegtay in la sii xoojin doono xiriirka labada dal.