Maxkamadda Garissa oo xabsi daa’in ku xukuntay niman dilay ganacsade ay hanti ka dhaceen

0
724

Garsooraha sare ee maxkamadda ismaamulka Garissa Cosmas Maundu ayaa xukun xabsi daa’in ah ku riday labo qof oo magacyadoodu lagu sheegay Daniel Makau Mulonza iyo Alexander Vundi Musyoka.
Shakhsiyaadkan ayaa lagu helay dembi ah inay dhac gaysteen iyagoo awood rabshadeysan adeegsanaya.
Waaxda dacwad soo oogidda dalka ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka ku xaqiijisay in dacwad oogayaasha oo ay hoggaaminayeen Victor Preston Owuor iyo Allan Martin Magero ay maxkamadda u soo bandhigeen caddeymo wax ku ool ah.
Maxkamadda ayaa lala wadaagay muuqaal ay duubtay kameerada qarsoon ee CCTV-da oo laga dhex arkayo eedeysanaha labaad oo goobta uu dhaca ka gaystay gelaya abaare 4-tii aroornimo isagoo sitay agab ay isaga iyo saaxibkiis kaga takhaluseen mulkiilihii goobtaasi ganacsi.
Waxaa cadeeynta qayb ka ah in labada qof ay wada xiriirayeen ka hor int aynan falkan gaysan.
Eedeysanaha labaad ayaa sidoo kale lagu helay taleefoonka gacanta ee ganacsadaha ay dileen ka dib markii ay hanti ka dhaceen.