Maxkamadda ugu sarreysa wadanka ayaa lagu wadaa inay maanta soo gabagabeyso dhageysiga dacwadaha la xiriira qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Garsoorayaasha ayaa saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay dhageysanayay racfaan laga qaatay go’aannadii ay maxkamadda sare iyo midda racfaanka horay ugu laaleen geeddisocodka BBI oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah.
Waxaa dacwadahan maxkamadda geeyay xeer ilaaliyaha guud ee dalka Paul Kihara Kariuki, guddiga doorashooyinka ee IEBC, madaxa xisbiga ODM Raila Odinga iyo madaxweyne Uhuru Kenyatta .
Qareennada dhinacyadan matalaya ayaa doonaya in maxkamadda ugu sarreysa wadanka ay waxba kama jiraan ka soo qaaddo go’aannadii hore ee dhinac la iskaga arrintan.
Dhanka kale qareeno u doodaya dhinacyo ay ka mid yihiin ururrada bulshada ayaa garsoorayaasha ay hoggaaminayso madaxa cadaaladda ee wadanka Martha Koome ka codsanaya inay ayidaan tallaabadii maxkamadda sare iyo midda racfaanka ee sanadkii hore.
Waxay ku doodayaan in madaxweynaha dalka uunan isbeddel dastuuri ah billaabi karin isagoo xil qaran haya.
Geeddisocodka sharci beddelka ee BBI ayaa ka dhashay heshiiskii taariikhiga ahaa ee sanadkii 2018-kii dhex maray madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga.
Haddii uu qorshahan meel maro waxaa looga gol-leeyahay in lagu xalliyo caqabadaha ay ka midka yihiin natiijada doorashada guud ee lagu murmo , qabyaaladda , musuqmaasuqa iyo waxyaabo kale.