Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa bogaadiyay xiriirka xooggan ee labada dowladood ee Kenya iyo Hungary.
Waxaa uu sheegay in xiriirka labada dal uu inta badan horseeday iskaashi dhaqaale, ganacsi iyo maalgashi.
Mr. Kenyatta ayaa ka qoomameeyay hoos u dhaca isu socodka ganacsiga iyo maalgashiga ee u dhexeeya caasimadaha Nairobi iyo Budapest 5-tii sano ee la soo dhaafay inkasta oo uu jiray awood ganacsi oo aad u wayn.
Waxaa uu intaa ku daray in la xoojinyo dadaallada lagu horumarinayo isku xirnaanta ganacsi ee labada waddan.
Hadalkan ayuu hoggaamiyaha dalka xalay fiidkii ka jeediyay aqalka madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ee magaalada Nairobi, halkaas oo martiqaad loogu sameeyay madaxweynaha Hungary János Áder iyo marwada koowaad ee wadankaasi Anita Herczegh kuwaas oo Kenya safar rasmi ah ku joogo.
Waxaa sidoo kale xafladda martiqaadka, ka soo qayb galay hoggaamiyeyaasha xisbiyada ODM, ANC, Wiper, Ford-Kenya iyo Kanu, oo ay kala hoggaamiyaan madax siyaasadeed ee kala ah Raila Odinga, Musalia Mudavadi, Kalonzo Musyoka, Moses Wetangula, Gideon Moi iyo madax sare oo ka tirsan dowladda .
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in Kenya ay ku xisaabtamayso taageerada Hungary si loo furo heshiiska iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya bulshada bariga Afrika iyo dhigooda Midowga Yurub.
Dhanka kale madaxweynaha dalka ayaa sheegay in Kenya iyo Hungry ay isku mowqif ka yihiin arrimaha muhiimka ah ee caalamka, sida isbeddelka cimilada.
Waxaa uuna uga mahadceliyey waddamada qaaradda Yurub taageeradii horseeday in Kenya loo doorto xubin aan joogto ahayn oo ka tirsan golaha ammaanka ee qaramada midoobay.
Tani ayaa kusoo aadeyso iyadoo dowladaha Kenya iyo Hungary ay kala saxiixdeen heshiisyo gaaraya afar oo lagu xoojinaya iskaashiga laba geesoodka ah ee ka dhexeya.
Heshiisyadan ayaa ku saabsan caafimaadka , biyaha , waxbarashada iyo dibloomaasiyadda.