Qaramada midoobay oo u digtay militariga Myanmar

0
446

Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa ciidamada militariga ee dalka Myanmar uga digtay in ay awood xad dhaaf ah u adeegsadaan dibadbaxayaasha.
Waxay saraakiisha difaaca ku wargelisay in ay cawaaqib xumo la kulmayaan hadii aynan ka fiirsan qaabka ay uga falcelinayaan mudaharaadyada looga soo horjeedo afgembigii dhacay 1-dii bishan.
Waxaa digniintan ku dhawaaqay afhayeenka qaramada midoobay Farxaan Haaq oo warbaahinta kula hadlay magaalada New York ee Maraykanka.
Dhanka kale militariga Myanmar ayaa maanta ballanqaaday inuu doorasho qabanaya oo uu talada wadankaas ku wareejin doono cidda codeynta ku soo baxdo.