Ingiriiska oo Kenya ugu deeqaya 155 milyan

0
299

Boqortooyada Ingiriiska ayaa shaacisay inay dowladda Kenya siinayso lacag u dhiganta 155 milyan oo shilin oo loogu talagalay in loo adeegsado caawimaadda dhanka nafaqada.
Deeqdan ayaa lagu tilmaamay mid lagu badbaadinayo nolosha 26,000 oo ah carruur ku nool meelaha ay abaartu saameysay.
Waxaa arrintan shaaca ka qaadday wasiirka Ingiriiska u qaabilsan qaaradda Afrika Vicky Ford oo billowday socdaal saddex cisho ah oo ay ku marayso waddamada bariga Afrika.
Vicky ayaa hoosta ka xarriiqday in dowladeeda ay dalka bariga Afrika ku wareejinayso 2.6 bilyan oo shilin si wax looga qabto saameynta ba’an ee abaarta iyo daadadka.