Madaxweynaha Somaliland oo uu ambabaxay dalka Itoobiya

0
330

Madaxwaynaha jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka safar ugu baxay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ka dib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxda wadankaasi.
Waxaa uu ka ambabaxaay madaarka Cigaal ee Magaalada Hargeysa ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinayay Wasiirka horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, iyadoo ay ka sii horreeyaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Ciise Kayd, dhigiisa Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Ataash iyo Dhakhtarad Edna Aadan oo ahayd marwadi hore Alle ha u naxariistee madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamad Xaaji Ibraahim Cigaal.
Booqashadan rasmiga ah ee Madaxwaynaha Somaliland ku tagaya dalka Itoobiya ayaa la sheegay in uu la kulmi doonaa Madaxda Itoobiya oo ay ka wada hadli doonaan xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo xoojinta horumarka iyo nabadgalyada Geeska Afrika.