DHAGEYSO:30 ka mid ah barasaabyada dalka oo taageeray musharraxnimada Raila Odinga

0
710

Waxaa lagu soo warramayaa in kulan shalay ka dhacay magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru ay 30 ka mid ah barasaabyada 47-da ismaamul ee ay Kenya ka kooban tahay ay taageero ugu muujiyeen madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo markii shanaad doonaya inuu bisha siddeedaad u tartamo hoggaanka ugu sarreeya wadanka.
Waxay sheegeen inay go’aankooda ku saleeyeen in Raila uu u taagan yahay ilaalinta nidaamka dowlad wadaajinta ee lagu qeexay dastuurka la soo bandhigay sanadkii 2010-kii.
Barasaabyada ayaa sheegay inay deegaannada kala duwan ka sameyn doonaan olole ay taageero ugu raadinayaan Raila si uu hoggaanka ugala wareego Uhuru Kenyatta.
Hoggaamiyaashan waxaa ka mid ah barasaabka Embu Martin Wambora, dhigiisa Nakuru Lee Kinyanjui, Cali Xassan Joho oo hoggaamiyo Mombasa, Charity Ngilu(Kitui),guddoomiyaha Elgeyo Marakwet Alex Tolgos , Amason Kingi oo ah barasaabka Kilifi, Joseph Ole Lenku oo ah guddoomiyaha Kajiado , Cali Bunow oo ah barasaabka Garissa iyo mas’uuliyiin kale.
Barasaabka Mombasa Cali Xasan Joho oo ka hadlay taageerada ay u muujinayaan Raila Odinga ayaa yiri