Milateriga dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in Kuuriyada waqooyi ee garoon ku yaalla magaalada Pyongyong ka soo riday laba gantaal oo ah nooca ridada yar.
Waa tijaabadii afaraad oo ay bishan sameeyaan taasi oo ay ku muujinayaan awoodooda dhanka gantaallada.
Japan ayaa sidoo kale sheegeysa in gantaalladasi la riday.
Xoghayaha golaha wasiirrada ee Japan Hirokazu Matsuno ayaa cambaareeyay kuna tilmaamay mid nabadda ku ah caqabad.
Wax ka yar laba toddobaad, Kuuriyada Waqooyi ayaa sameysay tijabada in ka badan saddex gantaal, taasi oo ah mid aan caadi ahayn.
Gantaalka maanta ayaa laga soo riday garoonka Sunan ee magaalada Pyongyong ee caasimadda Kuuriyada Waqooyi, sida ay sheegeen ciidamada Milatrriga ee dalka Koonfurta Korea.