Tababar loo furay guddoomiye xaafadeedyada magaalada Dhuusamarreeb

0
408

Guddoomiye xaafadeedyada magaalada Dhuusamarreeb iyo qeybaha bulshada ayaa loo furay tababar ku saabsan ka faa’iideysiga mashaariic laga fulinayo magaaladaasi.
Tabaarkan laga daahfuray magaalada Dhuusamarreeb oo socon doona muddo saddex cisho ah ayaa loo qabtay madaxda xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada, masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo wakiillo ka socday bulshada deegaanka.
Inta uu tababarka socdo ayey ka qaybgalayaashu helayaan ogaal ay uga faa’iideystaan mashruuca Nalalka ku shaqeysa Tamarta Cadceedda ee Solar System iyo Dayactirka Garoonka kubadda cagta Dhuusamarreeb.
Mashruuca maanta tababarkiisa la daahfuray ayaa waxaa fulinaya Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Galmudug.
Cabdiraxmaan Geedo-qorow, duqa magaalada Dhuusamarreeb oo munaasabadda daahfurka ka hadlay ayaa sheegay in mashruucan ay bulshada magaaladiisa wax weyn ka faiidi doonto.
Qaar ka mid ah ka qaybgalayaasha tabarbarka oo la hadlay warbaahinta STAR ayaa shaagay in ay wax badan ka filayaan seminaarka, waxa ayna u mahadceliyeen dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda dowladda Norway oo mashruuca maalgelineysa.
5 tii bishan January ayaa magaalada Gellinsoor laga dhagax dhigay mashruucan nalalka cadeedda ku shaqeeya – SOLAR – oo laga fulinayo saddex magaalo oo kala ah Gellinsoor, Balanbal iyo magaaladan Dhuusamarreeb. Waxa uuna mashruuca bixinayaa 110 sollar oo saddexdaasi magaalo loo qeybinayo.
@norwayinsomalia