Hay’adda gargaarka baniaadannimo ee Oxfam ayaa soo saartay warbixin tilmaamaysa in cudurka COVID-19 uu sii ballaariyay farqigii u dhexeeyay maalqabeennada iyo masaakiinta.
Waxaa warbixinta ku cad in intii cudurka uu jiray ay labo jibbaar noqotay hantida 10-ka qof ee ugu taajirsan dunida.
Hay’adda ayaa sheegaysa in loo gudbay sanadka 2022-ka iyadoo uu jiro walaac aan horay loo arag.
Warbixinta ayaa loogu magacdaray Inequality Kills oo loola jeedo sinnaan la’aanta geeri ayay sababtaa.
Oxfam waxay intaasi ku dartay in sinnaan la’aanta hadda caalamka ka jirto ay tahay mid baaxaddeedu lagu tilmaami karo shaqaaqo dhaqaale oo ka dhan ah dadka iyo dowladaha ugu saboolsan dunida.
Hay’adda ayaa warbixinteeda ku saleysay in xeerarka iyo go’aamada siyaasadeed ee waddamada ay inta badan yihiin kuwo u daneynaya maalqabeennada iyo dadka awoodda leh taasoo saameyn ku yeelato aqlabiyadda muwaadiniinta caadiga ah.
Oxfam ayaa tilmaantay in shirkado badan oo waawayn ay xakameeyaan qaybsashada tallaalka COVID-19 oo haddii ay fursad u heli lahaayeen lagu badbaadin lahaa nolosha malaayiin ruux oo danyar ah.
Warbixinta hay’adda waxaa ku cad in rag ay tiradoodu tahay 252 ay hantidoodu ka badan tahay tan hal bilyan oo ah haween iyo gabdho ku nool Afrika , Latin Amerika iyo jasiiradaha Caribbean.
In kastoo maalqabeenada ay hantidoodu sii korortay sida ay sheegayso hay’adda Oxfam waxay dhanka kale waxyeello soo gaartay dakhliga boqolkiiba 99 ee aadanaha.
Hay’adda ayaa intaasi ku dartay in dadka ku nool waddamada uu dhaqaalahoodu hooseeyo ama dhexdhexaadka yahay inay qiyaastii labo mar halis ugu jiraan inay u dhintaan COVID-19 marka loo barbardhigo kuwa ku nool waddamada hodanka ah.
Oxfam ayaa hoosta ka xarriiqday in qaar ka mid ah waddamada dunida , dadka saboolka ah ay ku dhawaad afar mar u badan tahay inay u geeriyoodaan cudurka COVID-19.
Waxaa isku celcelis ahaan dhanka kale maalin kasta cudurka u dhinto 21,300 qof sida laga soo xigtay hay’adda caalamiga ee Oxfam International.
Hay’adda ayaa dowladaha caalamka kula talisay inay awood u yeeshaan sidii ay wax uga beddeli lahaayeen sinnaan la’aanta sii kordheysa ee u dhexeysa maalqabeennada iyo danyarta.
Waxay soo jeedisay in 10-ka qof ee ugu hantida badan caalamka in lagu soo rogo canshuur la xiriirta dhaqaalaha ay ka macaasheen caabuqa corona tani oo haddii la sameeyo soo saari karto lacag dhan 812 bilyan oo doolar.