Iskuduwaha ammaanka ee gobolka xeebta John Elung’ata ayaa amray in sida ugu dhakhsiyaha badan dib loo furo xarumaha waxbarashada ee galbeedka ismaamulka Lamu.
Dugsiyadan ayaa la xiray ka dib markii toddobaadyadii ugu dambeeyay ay halkaasi ka dhaceen falal amni darro oo is xig-xigay.
Hasa ahaate Elungata ayaa sheegaya in deegaanadaasi la geeyay ciidamo dheeraad ah si ay amniga u sugaan sidaas awgeedna maanta oo Isniin ah la doonayo in ardayda ay dib ugu laabtaan goobaha waxbarashada iyagoo aan wax cabsi ah muujin.