Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga sidoo kalena ah musharrax madaxweyne ayaa sheegay in haddii bisha siddeedaad ee sanadkan uu la wareego hoggaanka ugu sarreeya ee dalka la soo afjari doono dagaal beeleedyada.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in iskudhacyada bulshooyinka wadanka ay horay aad u soo noqnoqdeen xilliyada doorashooyinka.
Mr. Odinga oo arrintan ka hadlay xilli uu ku sugnaa gobolka bartamaha dalka ayaa kenyaanka u sheegay in badqabkooda la sugi doono iyadoo aan la eegeyn halka uu qofka dhalasho ahaan ka soo jeedo ama ku nool yahay.
Waxaa uu ku celceliyay in maamulkiisa uu diiradda saari doono xaqiijinta badqabka shacabka iyadoo aan cidna laga oggolaan doonin inay mid kale cabsi geliso.