Qaar mid ah dadweynaha goobaha ay weerarradu saameeyeen ee ismaamulka Lamu ayaa loogu baaqay inay guriyahooda dib ugu laabtan, ka dib markii ay dhawaan ka barakaceen.
Taliyaha ciidamada sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano GSU ee dalka Douglas Kanja ayaa dadweynaha Lamu u xaqiijiay in saraakiil ciidan la geeyay goobaha ay dhibaatadu saameysay islamarkaana ammaanka ee aad u adkeenayaan.
Waxaa uu sidoo kale sheegay inay ku daba jiraan kooxaha weerarrada gaysanaya islamarkaana ay wadaan howlgal amni oo ballaaran.
Dhanka kale guddoomiyaha dowladda dhexe ku matala ismaamulka Lamu Irungu Macharia ayaa sheegay in dugsiyada dhowr ee la xiray ee dowlad deegaankaasi dib loo furi doona toddobaadka dambe.
Waxaa uu intaa ku daray in tuulooyiinka iyo goobaha waxbarasahada ee ku yaalla qaybo ka mid ah ismamaulka Lamu la gayn doono saraakiil ammaan oo ku filan.
Mr.Irungu Macharia ayaa dhanka kale sheegay in cidna aysan sheegan karin goob gaar ah, islamarkaana muwaadin kasta uu xor u yahay inuu meesha doono kaga noolaado dalka.
Saddexdii toddobaad ee ugu dambeeyay waxaa gudaha Lamu weerarro ka dhacay ku nafwaayay 12 qof oo ay afar ka mid yihiin saraakiil boolis ah, sida laga soo xigtay laamaha ammaanka.
Dhawaan ayay ahayd markii uu xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Karanja Kibicho sheegay in howlgallada ay soconayaan ilaa iyo inta laga cirib tirayo kooxaha fuliya weerarrada ka dibna la sheego inay ku dhuumaaleystaan keynta ismaamulkaasi.